Blog
Duni Bilaa Xeer Ah: Ku tumashada Xeerarka Caalamiga ah ee Qarniga 21aad.
- 25/04/2026
- Posted by: admin
- Category: Publications
Gogol Dhig.
Taariikh ahaan, bulshooyinkii hore waxay ku tiirsanaayeenxeerar aan qorneyn oo ku saleysan qiyam wadajir ah, caqiidooyin diimeed, iyo baahiyo nololeed si loo ilaaliyo kala dambaynta loona xalliyo khilaafaadka. Waxaa bulshooyinkaas ragaadiyay Cadaalad darro, eex, musuq iyo kutakrifalawoodeed, taas oo ka dhalatay ku dhaqankii xeerkiiduurjoogta. Muddo ka dib, nidaamyadan aan rasmiga ahayn“Informal Systems” waxay isu beddeleen shuruuc Qoran oonidaamsan oo saldhig u noqday dowladnimada casriga ah. Si kastaba ha ahaatee, xaaladda Guud ee Dunida waxaa ka muuqata leexasho halis ah: hoos u dhac ku yimid talinta sharciga (Rule Of Law) iyo kororka isticmaalka awoodda iyo xoogga, taas oo u dhabo xaartay in aan la ixtiraamin xeerarkii iyo heshiisyadii la dhexdhigay dowladaha kadibdagaalkii labaad ee dunida. Iyadoo la eegayo dhacdooyinkasiyaasadeed iyo dagaallada casriga ah ee manta jira, daraasaddani waxay muujinaysaa sida ay u taag beeleenxeerarkii caalamiga ah, ixtiraam la’aanta madaxbannaanida dowladaha, iyo ku tiirsanaanta xoogga, taas oo la micno ah in loo weecday xeerkii Qadiimiga “xeerkii duurjoogta”. Ugu dambayn, daraasaddu waxay ku doodaysaa in haddii aan la xoojin hay’adaha caalamiga ah lana hirgelin isla xisaabtan dhab ah,Cadaaladana la horkeenin Dagaal oogeyaasha, in nidaamka caalamiga ahi iyo Hay`adda Qaramada Midooway ee 71 jirkaahi ayna sii jiri Karin.
halkan hoose kala dag Maqaalka oo dhamaystiran.
guji link-gan. Duni Bilaa xeer Ah .pDF