Blog
Maxay ka dhigantahay in Soomaaliya ay dib ula soo laabato maaraynta Madaxbanaan ee arrimaheeda Xuquuqda Aadanaha?
- 10/10/2025
- Posted by: admin
- Category: Publications
Kadib Burburkii Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya, waxaa si wayn loogu xadgudbay Xuquuqda aadanaha, waxaana bulshada Soomaaliyeed isu gaysteen Nooc walba oo dambi ah oo markaas jiray, taasi waxay keentay walaac wayn, waxaana la sameeyay dadaalo walba oo lagu badbaadin karay bulshada iyo Xuquuqdooda. Nasiib darro, hay’adaha Qaramada Midooway iyo dalalkii kale ee usoo gurmaday dhibaatada dalka ku habsatay waxay si isku mid ah cod sare ku sheegeen in xalka Soomaaliya uusan ahayn mid sahlan oo ay ku tilmaameen mid faraha ka baxay, aafaynta Xuquuqda aadanahana ay noqotay mid daqiiqadii walbaba la filan karo.
Sida ku cad Heshiisyada Caalamiga ah oo ay ugu horeeyaan, UN Charter, UDHR, ICCPR,ICESCR iyo kuwo kaleba, waxay hoosta ka Xariiqayaan in Dowladuhu ay Masuuliyad ka saarantahay ilaalinta iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, isla markaasna ay u madaxbanaanyihiin Maamulka iyo Maaraynta arrimaha Xuquuqda aadanaha ee dalkooda.
Kadib, dhowr sanado oo Xaaladda Soomaaliya ayna kasoo rayn lahayn, ayay golaha Qaramada Midooway soo jeediyeen in la magacaabo Khabiirka Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya” Independent Expert on the situition of Human Right in Somalia” Guddigaas waxaa la aasaasay sanadkii 1993, iyadoo lagu salaynayo go’aanka Guddiga Xuquuqda Aadanaha Qaramada Muudooway ee Resoloution-ka E/CN.4/RES/1993/86.
Guddigan Khubarada ayay hawshoodu tahay in ay maamulaan isla markaasna maareeyaan kana soo warbixiyaan Xaaladda Soomaaliya ee dhanka Xuquuqda aadanaha, isla markaasna ay usoo gudbiyaan Golaha Xuquuqda aadanaha ee QM “ UN On Human Right Council”
Guddigan Khubarada ah waxaa sidoo kale loo asteeyay in ay soomaaliya ka caawiyaan hirgelinta:
A) Waajibaadkeeda qaran iyo kuwa caalami ee la xiriira xuquuqda aadanaha;
B) dhaqangalinta Go’aamada Golaha Xuquuqda Aadanaha iyo dukumentiyada kale ee xuquuqda aadanaha;
c) Dhisidda awooda Hay’adaha dowladda iyo kuwa Rayidka ee ka shaqeeya arrimaha Xuquuqda aadanaha dalka.
D) Guddigu wuxuu diyaarinayaa warbixin Sanadeed oo uu u gudbinayo Golaha Xuquuqda aadanaha isla markaasna laga jeedin doono Fadhiga guud ee QM.
Sida Caadiga ah, waxaa guddigan loogu talagalay in uu shaqeeyo ilaa laga helayo Dowlad sax ah oo awood uleh maamulka hawlaheeda, balse guddigan oo ay ahayd hawshiisa in ay dhamaato mar hore ayaa ilaa 2025 isa soo daba jiitamayay, iyagoo sanad kastaba Cusboonaysiinayay mudada ay kusii joogayeen Dalka.
Golaha Xuquuqda aadanaha ayaa qaraarkooda 57/27, oo la ansixiyay 10-kii Oktoobar 2024, wuxuu dib u cusboonaysiiyay xilka Khabiirka Madaxa-bannaan muddo hal sano ah, si uu u qiimeeyo, ula socdo, uguna soo warbixiyo xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, isagoo soo jeedinaya talooyin la xiriira kaalmada farsamo iyo dhisidda awoodda dhinaca xuquuqda aadanaha.
intaas waxaa dheer, go’aanka Golaha Xuquuqda Aadanaha ee tirsigiisu yahay 57/27 wuxuu sidoo kale ka codsaday Khabiirka Madaxa-bannaan inuu warbixin u gudbiyo Golaha Xuquuqda Aadanaha inta lagu jiro kal-fadhigiisa 60aad iyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay inta lagu jiro kal-fadhigiisa 80aad, si ay u codsadaan cusbooneysiin ku saabsan horumarka lagu gaaray hirgelinta cabbirrada iyo tilmaamayaasha qorshaha kala-guurka, taasoo u gogol xaareysa tallaabooyinka mustaqbalka ee Golaha.
Ugu dambayn, 08-dii October-2025, Shir ka dhacay Dalka Maraykanka ayay Dowladda FS kula soo wareegtay Maamulka iyo Maaraynta Madaxabanaan ee arrimaheeda Xuquuqda Aadanaha, oo ay gacanta ku hayeen QM tan iyo sanadkii 1993, taas oo Dowladda soomaaliya Awood u siinaysa:
- in ay si waafi ah u maamulaan Hawlaha Xuquuqda aadanaha ee dalka, oo ay ku jirto Ilaalinta, ka warbixinta iyo la socoshada Arrimaha Xuquuqda aadanaha.
- In ay Golaha Xuquuqda aadanaha ay u gudbiyaan Warbixintooda sanadlaha ah ee Arrimaha Xuquuqda aadanaha dalka, kolka markii hore ay gudbin jireen Ergada ay QM soo dirsadeen.
- In Dowladda Soomaaliya ay awood u yeelanayso gudbinta Xaqiiqda saxda ah iyo xaaladda ka jirta dalka, halka markii hore la dhoodhoobi jiray wax aan jirin iyo wax lamid ah.
- In Mashaariicda Xuquuqda aadanaha ay si toos ah u maamuli doonto Dowladda Soomaaliya isla markaasna meesha ay ka baxayso gacantii kale ee la maamuli jirtay.
- In ay meesha ka baxdo faragalinta tooska ahayd ee arrimaha soomaaliya, isla markaasna ay dowladdu ilaashato sumcadeeeda iyo kartideeda.
- Dhaliilaha Guddigan
Sida ay sheegtay wasiirka wasaaradda Haweenka iyo xuquuqda aadanaha XFS, marwo, Khadiija al makhzumi, kadib markay Dowladda Soomaaliya lasoo wareegtay hogaanka maamulka arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalka, in Khubarada ay Qm Soo diri jirtay ay ahaayeen kuwo dalka yimaada Bilaha ugu dambeeya, isla markaasna aan si fiican ayagoo waxba u baarin iska gudbin jiray Warbixinno mala awaal ah, taas oo dhib wayn ay ku qabeen dowladda Iyo Shacabka Soomaaliya.
Isha Dyfan oo ah Madaxa Khubarada QM e arrimaha Soomaaliya ee Maamulka Xuquuqda aadanaha, ayaa dhowr Khudbadood oo ay ka jeedisya meerta Guud ee QM dhaliilo tiro beel ah oo ay u jeedinayso Dowladda Soomaaliya kuna saabsan arrimaha Xuquuqda aadanaha, iyada oo mar walba gudbin jirtay warbixino aan dheelitirnayn.
Mss Isha Dyfan oo khudbad ka jeedinaysa meertada 76-aad ee qaramada Midooway sanadkii 2021 ayaa sheegtay in Arrimaha Xuquuqda aadanaha ee Soomaliya ay samaynayaan Horumar aaad iyo aad u yar “
ar “ Slow and Limited Progress” iyadoo intaa ku xijisay dhaliilaha aan tirada lahayn ee ay ujeedinayso hay’adaha Ka shaqeeya xuquuqda aadanaha.
Sanadkii 2023, dowladda Soomaaliya ayaa isha dyfan u diiday ogolaanshaha Kormeerka arrmaha Xuquuqda Aadanaha dalka, taas oo dadka intiisa badan ay u fasirteen Warbixinnada mala awaalka ah ee ay Isha ka gudbiso Soomaaliya isla markaasna ayna soo hadal qaadinba Horumarada ay dowladdu ka gaartay arrimahaas.
Gabagabadii, Dowladda Soomaaliya waxay u tahay fursad qiimo badan in ay dib ula soo wareegto Hogaanka maamul ee arrimaheeda Xuquuqda aadanaha, waxayna meesha ka saaraysa farogalinta shisheeye iyo in arrimaha gudaha ay maamuulaan Hay’ado caalami ah, taas oo dhaawac u gaysanaysa Mabda’a Madaxbanaanida Dalka, oo dhigaya in dowladdu ay qaadato mas’uuliyadda guud ee arrimaheeda.
Sidoo kale, waxaa booskaas buuxin doona Guddiga xuquuqul insaanka Soomaaliya oo ay golaha wasiiradu magacaabeen 05- july-2025, kaas oo horyaala Golaha Shacabka isla markaasna sugaya in la meel mariyo. Sida ku xusan qoodbka 41aad ee cutubka labaad ee dastuurka ee dib u eegista lagu sameeyay lana ansixiyay 31 Maarso 2024, Guddiga xuquuqul insaanka wuxuu u xilsaaranyahay:
B)Xoojinta, sare-uqaadidda, difaacidda, xushmeynta iyo xaqiijinta qiyamka xuquuqda aadanaha iyo xoriyadaha guud.
T) U kuurgelidda, baarista iyo diyaarinta warbixinno la xiriiro xaaladda Xuquuqda aadanaha ee Dalka;
J) Ka hortagga tacaddiyada iyo ku xad-gudubyada xuquuqda aadanaha iyo ku
wargelintooda hay’adaha qaranka ee ay khusayso;
X) Hubinta damaanadqaadka xuquuqda aasaasiga iyo dhowrista habdhaqanka xuquuqda aadanaha ee dalka;
Kh) Ka talobixinta habka ugu habboon ee lagu dhowri karo xuquuqda aadanaha iyo xaqaoorka gaboodifalada.
Intaas kadib, waxaan Dowladda Soomaaliya usoo jeedinayaa in fursadan loo maareeyo si heer sare ah, isla markaana, aan lagu takrifalin awooda buuxda ee madaxabanaan ee la ina siiyay, fadhiga guud ee Golaha QM ee soo socdana aan la tagno warbixin taabanayso isbedelo iyo soo kabasho saraysa.
qoray: Avv. yuusf Nuuxi
Email: [email protected]
phone: 252618224268
Horay u soco saaxiib
mahadsanid, faatima.