Blog
Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Barbaarinta Caruurta
- 06/10/2025
- Posted by: admin
- Category: Publications
No Comments
Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Barbaarinta Caruurta ” African Charter on the rights and welfare of the child” waa Axdi lagu ilaalinayo xuquuqda caruurta Afrikaanta ah isla markaasna looga gol leeyahay in lagu dhowro lagana ilaaliyo Wax kasta oo dhibaato ku ah Caruurta, axdigan wuxuu ka shidaal qaadanayaa Axdiga Qaramada Midooway ee xuquuqda Caruurta “CRC Convention” ee la saxiixay 1989. Axdigan“ waxaa la saxiixay sanadkii 1990 laguna saxiixay addisababa-Ethopia, wuxuuna ka koobanyahay 48 qodob. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansaxiyay 1-october-2025, balse 5 qodob oo kamid ah Axdigan ayay dowladda Soomaaliya gees iska dhigtay oo ay Reservatiion ka qaadatay, qodobadaas iyo fakhradahaas oo kala ah:
– Qodobka 2aad: oo tilmaamaya “yaa caruur ah” ama da’da Caruurta.
– Qodobka 9aad: oo tilmaamaya xoriyadda fikir, damiir iyo diin ee caruurta.
– Qoodbka 10aad: ilaalinta nolosha gaarka ah,
– Qodobka 21(2): oo tilmaamaya Guurka iyo alkumifda Caruurta
– Qoodbka 24aad: Korsashada Caruurta.AXDIGA AFRIKA ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta
Hadaba, halkan hoose kala dag Axdiga oo maray Ansixinta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.