Blog
Kobaca iyo Caqabadaha Hay’adaha Cadaaladda Soomaaliya.
- 20/09/2025
- Posted by: admin
- Category: Publications
Garsoorka waa tiir kamid ah tiirarka 3da ah ee ka koobantahay dawladda casriga ah, Garsoorku waxa uu u taaganyahay xaqiijinta sarraynta sahrciga, dhowrista isku dhaqidda xeerarka, ilaalinta xuquuqaha aasaasiga ah, dheelitirka hay`adaha dowladda, xalinta khilaafaadka iyo talaabo ka qaadida cidkasta oo jebisa sharciga. Yoolka Garsoorka waa in uu ku suntanaado hufnaan, sinnaan, daacadnimo, tayo adeeg-bixin, ixtiraamka xuquuqda aasaasiga ah iyo xaqiijinta sarraynta sharciga.
Soomaaliya kadib burburkii waxaa si dhib badan lagu dhisay qayb kamid ah hay`adaha fulinta cadaalada dalka iyada oo culays badan laga soo maray dib u hawlgalintooda, caqabadaha ugu waaweyn ee markaa jirayna waxaa kamid ahaa, fahan yari dawladeed, jiho wareer ku aadan hab shaqaynta nidaamka dawliga ee casriga ah, amaan xumo, dhaqaalo la’aan, u qalmasho la’aan iyo dadkii aqoonta u lahaa garsoorka oo aan ku dhiiran gelista shaqada